Muqdisho-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arimaha dibada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.
Wasiirka arimaha dowladda federaalka Soomaaliya C/salaan Hadliye iyo danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kulan yeeshay waxaana looga hadlay xiriirka labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii Mareykanka Soomaaliya uu kaga taageeri lahaa xaga dib udhiska ciidanka, dhaqaalaha iyo arimo kale.
Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday kulanka waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo shacabkeeda ay yihiin kuwo isku xiran sidoo kalena Mareykanka uu mar walba diyaar u yahay in uu taageero dowladda Soomaaliya.


