Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jawaab ka bixiyey farriin la xiriirta shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco 14-ka ilaa 18-ka bishan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa lagu sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ay booqdeen hoyga Farmaajo, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyey farriin uu soo diray Xasan Sheekh, taas oo la xiriirtay shirka uu ku casuumay madaxda siyaasadda iyo dhinacyada mucaaradka.
Farmaajo ayaa Taliyeyaasha u sheegay in shirkaasi uu u baahan yahay kalsooni iyo jawi siyaasadeed oo suurtagelinaya in dhammaan dhinacyadu ka qaybgalaan, isagoo ku adkeeyey in gogosha wada-hadalku noqoto mid loo dhan yahay.
Sida lagu sheegay qoraalka, Farmaajo ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo dadaallada iyo doorka beesha caalamka ee gogosha wada-hadalka hore u dhigtay, isla markaana wada-hadallada laga sii ambaqaado halkii lagu kala tegay 3-dii Sebtembar.
Dhanka kale, Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo ay yeesheen ururro kale oo mucaarad ah, isagoo caddeeyey inaysan jirin ka-qaybgal noocaas ah.
Farmaajo ayaa sidaas ku muujiyey shuruudaha uu u arko in lagu xaqiijin karo qabsoomidda shir siyaasadeed oo lagu gaaro is-afgarad, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.



