Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa maanta laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo amni oo xooggan, iyadoo la adkeeyay ammaanka waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, xilli la filayo in ay halkaasi gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar, halka gaadiidka ciidamada iyo kuwa ilaalada madaxda dowladda ay si weyn uga muuqdaan gudaha magaalada, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha lagu sugayo amniga booqashada madaxda dowladda Federaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdi Fataax Xasan Afrax, kuwaas oo dib loo doortay.
Diyaargarowga munaasabaddan ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Jowhar, waxaana shalay halkaasi gaaray xubno ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, halka wafuud kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo marti sharaf ay iyaguna gaareen magaalada, si ay uga qeyb galaan munaasabadda.
Dhanka kale, caleema-saarka Cali Guudlaawe ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan tabashooyin siyaasadeed iyo diidmo xooggan oo kaga imaanaysa qaybo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan, kuwaas oo muddooyinkii dambe muujinayay sida ay uga soo horjeedaan habka maamulka Hirshabelle loo maamulayo iyo arrimaha awood-qaybsiga.
Khilaafka ka taagan gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee horyaalla maamulka Hirshabelle, waxaana wali taagan su’aalo la xiriira sida loo xallin karo tabashooyinka jira iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara dhinacyada kala aragti duwan.



