Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Sabtidii u xushay Gadi Eisenkot, oo ah siyaasiga sida weyn ula loollama ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ee Benjamin Netanyahu, inuu soo dhiso dowlad cusub.
War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Herzog uu hoggaamiyaha xisbiga Yeshar, Gadi Eisenkot, ku wargeliyay inuu doonayo inuu u igmado dhismaha dowladda cusub. Munaasabad rasmi ah oo arrintan la xiriirta ayaa lagu qaban doonaa xarunta madaxtooyada galabta oo Axad ah.
Eisenkot, oo soo noqday taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil intii u dhexeysay 2015 iyo 2019, ayaa sheegay inuu dadaal kasta gelin doono sidii uu u soo dhisi lahaa dowlad cusub.
Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku sheegay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa dowlad midnimo qaran ah, isla markaana uu samayn doono wax kasta oo looga baahan yahay mas’uuliyaddaas.
Eisenkot waxaa taageeray xisbiyo matalaya 67 xubnood oo ka tirsan 120-ka xubnood ee baarlamaanka Israa’iil, halka xisbiyada taageersan Netanyahu ay heleen talo-bixin ay ku taageerayaan 46 mudane.
Kadib markii madaxweyne Herzog uu siiyay waajibaadka dhismaha dowladda, Eisenkot wuxuu haystaa 28 maalmood oo uu ku soo dhiso dowlad, waxaana suuragal ah in muddadaas loogu daro 14 maalmood oo dheeraad ah.
Haddii uu ku guuldarreysto, musharrax kale ayaa fursad u heli doona inuu dowlad soo dhiso. Haddii isaguna ku guuldarreysto, baarlamaanka ayaa magacaabi kara musharrax kale.
Hannaankan ayaa qaadan kara ilaa 100 maalmood. Haddii aan cidina ku guuleysan dhismaha dowladda, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub.



