Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta burisay xukunkii saddexda sano ee xabsiga ahaa ee hore loogu riday Sacdiyo Bajaaj, iyadoo dib loogu soo celiyay xorriyaddeeda.
Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa meesha ka saaray xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaas oo Sacdiyo Bajaaj loogu xukumay saddex sano oo xabsi ah.
Sacdiyo Bajaaj ayaa maanta laga sii daayay xabsiga kadib markii Maxkamadda Racfaanka ay go’aamisay in xukunkii hore uusan ku qotomin asbaab sharci ah.
Abukaate Maxamed Sheekh oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamaddu caddeysay in Sacdiyo Bajaaj aysan aflagaado u geysan Booliiska Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa soo afjaray dacwaddii iyo xukunkii hore, waxaana Sacdiyo Bajaaj maanta dib ugu soo laabatay xorriyaddeeda.



