Saddex xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle oo laga joojiyay gunnooyinka iyo ka qeybgalka fadhiyada.

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada ee Golaha Wakiilada  Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta oo Arbaco ah warqad rasmi ah ku shaaciyay in tallaabo anshaxeed laga qaaday saddex xildhibaan oo lagu eedeeyay dhaqan xumo iyo ku xad-gudbid sharciyada Golaha, sida lagu sheegay warka ka soo baxay.

Warqadda oo summaddeedu tahay Ref: GXAXDX/B2/011/2025, kuna taariikheysan 29 Abriil 2025, ayaa lagu sheegay in xildhibaanada kala ah:

1. Xil. Axmed Saneey Maxamed (Saneey)

2. Xil. Saadaq Mukhtar Cabdulle

3. Xil. Axmed Cali Abukar

 

Warqada ayaa lagu sheegay in ay si cad ugu xad-gudbeen anshaxa Golaha, kadib markii ay sameeyeen ficillo aan habooneyn oo lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo ku tumanaya nidaamka iyo sharciga Xeer-hoosaadka Golaha.

Guddigu waxa uu sheegay in go’aan laga gaaray in saddexdan xildhibaan laga joojiyo gunnooyinka iyo ka qeybgalka fadhiyada Golaha muddo hal kalfadhi ah, iyadoo la raacayo qodobbada 26aad iyo 65aad ee xeer-hoosaadka Golaha.

Waxaa sidoo kale la faray in xildhibaanadaasi u hoggaansamaan amarka guddiga, iyadoo la ogyahay in haddii ay dhacdo in midkood diido fulinta amarka, dib loo eegi doono xilkiisa.

Warqadda waxaa ku saxiixnaa Xildhibaan Cabdirahman Maxamed Xasan (Gacal), Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa.