Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga dacwada rag loo haysto la shaqeynta kooxda Al-shabaab

Eedeysanayaasha oo ah seddex xubnood ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Wali Cabdi Yare Dhuubow, Maxamed Khadar Cusmaan Cabdullaahi iyo Cabdullaahi Xasan oo ku wada eedeysan la shaqeynta Kooxda Al-shabaab, iyagoona lagu dhaliilay inay xoga u gudbin jireen.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay Fadhiga Maxkamada asagoo Faah-faahin ka bixiyay kiiska ay Maanta Maxkamada u fadhido.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamada ka hor aqriyay kiisaska ay ku eedeysan yihiin 3-da eedeysane ee kala ah Wali Cabdi yare dhuubow, Maxamed khadar Cusmaan iyo Cabdullaahi Xasan oo ku wada eedeysan xubin ka noqoshada khawaarijta asaga oo sheegay in eedeysanayaasha qaar kood ay yihiin kuwo xogaha u gudbiya Khawaarijta.

Intaas kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa eedeysanayaasha weydiiyay kiiska uu kusoo oogay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland waxa ay ka qabaan.

Dooda kadib guddoomiyaha ayaa sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fariisan doonto kiiska eedeysanayaasha Maanta Maxkamadda la horkeenay.