Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho oo la dhigay qaar ka mid ah askartii ku soo dhaawacmay dagaalka Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid mid ula hadlay askarta ,isagoo ka wareystay xaaladooda caafimaad.
Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran.
Madaxweynaha ayaa askarta u balanqaaday in lala tacaali doono xaaladooda caafimaad.
Booqasho madaxweynaha ayaa imaanaysa xili gobolka Hiiraan uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, iyadoona askarta ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee ku soo dhaawacmay dagaalada la keenay magaalada Muqdisho



