Dagaal xooggan oo saaka ka socda Jiinka Webiga Shabeelle ee G/Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka uu xiligan ka socdo Jiinka Webiga Shabelle ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah u socdaa godadka ku yaala deegaanka Jicibow, waxaana la soo werinayo inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa madaafiicda laga maqlayo deegaanada u dhow goobta uu dagaalka ka socda.

Ma jiro wax faahfaahin oo ay bixiyeen saraakiisha ciidamada xoogga, waxaana howlgalkan hoggaaminaya taliyaha ciidamada Dhulka iyo Ergeyga xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee u qaabilsan ciidamada deegaanka Cali Jeyte.

Howlgalka wejigiisa labaad ee ka dhanka ah Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu ka socday inta u dhexeysa degmooyinka Buula Burde iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.