Dagaal U dhexeya laba Maleeshiyo Beeleed oo ka socda degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Dagaal  sababay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ayaa ka dhacay  Deegaanka Farjano oo hoostaga Deegaanka Docoley ee Gobolka Galgaduud

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya maleeshiye beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo waxaana la sheegay isku hayaan dhul daaqsimeed iyo deegaameysi waxaana maalmihii la soo dhaafay halkaas ka taagneed xiisaddaan u dhaxaysa labada dhinac.

Inta 5 qof ayaa ku geeriyootay 15  kalena waa ku dhaawacmeen dagaalaas  ka socda miyiga Degaanka Docoleey ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul daaqsimeed ay isku qabteen maleeshiyaadka dagaalamay

Maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka labada dhicana ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalkaas .