Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ka badan 50 Xubnood Al-Shabaab ka titsan  lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuloyeen Ciidanka dowladda, iyo Saaxiibada Caalamka, oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagawaay iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

War-saxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalkaan ay isugu jiraan Saraakiil , iyo xubno lale . Waxay dowladdu tilmaamtay in howlgalkaan uu ka dambeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta ku saabsanin xubno ka tirsan Al Shabaab ay isku aruursanayay halkaas.