Madaxda Maamulka Jubland oo shacabka gobolka Jubada Hoose ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud  luga Dheere oo booqday deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah degaanada hoostaga  degmada Badhaadhe ee laga saaray Al Shabaab ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabka degaankaas.

Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen ciidamada geesiyada ah, isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Alshabaab oo muddo  dheer haysatay deegaanka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballanqaaday in hay’adaha kala duwan ee maamulka ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hergelin lahaa Xarumo loogu adeego dadka deegaanka.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha wali ciidamadu ay ku wajahan yihiin inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wiilashooda nafta u huraya sidii nabad iyo cabsi la’aan ay ugu noolaan lahayeen.