Dayactir lagu sameeyay Biyo Xireenka Sabuun ee Gobolka shabeelada Dhexe

Dowadda   Federaalka Soomaaliya  iyo Maamulka Hirshabeelle  ayaa  dib u dayactir ku sameyay biyo xireenka Sabuun ee fobolka shabeelada Dhexe si ay uga faa’idaystaan dadka beeraleyda ah ee halkaasi ku dhaqan,mashruucaan ayaa qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo ay muddooyinkii danbe laga hirgalinayay gobolka shabeelada Dhexe .

Mashruucaan biyo xireenka ah ee Sabuun ayaa dhawaan waxaa  ka faa’idaysanaya  dadka beeraleyda  ah ee ku dhaqan deegaanada u maro wabiga Shabeelle si ay sare ugu qaadaan wax soo saarka beeraha,iyadoo ay dadka beeraleyda ah ay aad ulaa daala dhacayeen muddooyinkii  danbe dhibaatooyinka ay sabab u ahaayeen fatahaada biyaha wabiga shabeelle .

Deegaannada u maro wabiga Shabeelle ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaadaha Webiga iyo daadadka roobka xilliyada ay da’ay Gu’ga iyo Deyrta,Cumar Abgaalaaw ayaa sheegay in Biyo  xireenkaan laga sameyay deegaanka ay aad u wanaagsaneyd wax soo saarka beeraha,hal kudhigna ay u ahayd ama jiddo joog ama Jowhar,xilligaana u rajo fiican ka qabo in markale ay aad uga faa’idaystaan beeraleyda oo ay tabacadan beeraha.