Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degaanka Cali Yabaal meel 2 Km Kaga Beegan Dhanka Galbeed.
War kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 15 isugu jira saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab, halka 22 kale lagu dhaawacay.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay Goobta duqeynta laga fuliyey ay Al-Shabaab u eheyd Saldhig ay ku aruusiyaan xubnaha Al-Shababa ee weerarada fuliya, kuwaas oo loo yaqaano Jabhadda.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta lagu burburiyay Saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda.



