Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, halkaas oo la sheegay in uu khudbad ka jeedin doono, taas oo uu kaga hadli doono arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh kulamo  muhiim la yeelan doona hoggaanka dalka Turkiga oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha dalkaas, iyaga oo ka wada hadli doona dhameysitirka heshiiskii difaaca ee labada dal.