Madaxweyne Lula da Silva oo mar 3aad loo dhaariyey Xilkaasi

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva ayaa xalay loo dhaariyey Xilkaasi.

Madaxweynaha cusub oo 77-jir ah waxa uu horey Madaxweyne u soo noqday muddadii u dhexeysay 2003-dii ilaa 2010-kii.

Xafladiisa Caleema-saarka waxaa ka qeyb Wafuud Shisheeye ilaa 19 Madax Dowladeed oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Latin America, Germany, Portugal iyo Boqorka dalka Spain.

Qalinka: Ustaad Nuradin