Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Maxamed Cumar carte Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta soo dhaweysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo warbaahinta kula hadlay.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalmo kooban uu joogi doono magaalada Kismaayo sidoo kalena kulamo uu la qaadan doono Madaxda ugu sareysa ee maamulka Jubbaland.


