Man United oo dhameystirtay heshiiska Henrikh Mkhitaryan

Manchester United waxaa ay ku faraxsan tahay iney shaaciso iney dhameystirtay heshiiska Henrikh Mkhitaryan kaas oo ka yimid Borussia Dortmund.

Henrikh Mkhitaryan ayaa heshiis 4 sano ah u saxiixay Man United waxaana uu fursad u heystaa sanad kale oo dheeri ah.

Mkhitaryan oo 27 jir ah ayaa 140 kulan saftay isagoo dhaliyay 41 gool  tan iyo markii uu ku so0o biiray kooxdda Borussia Dortmund 2013-kii.

Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay laacibkaan ayaa dhaliyay 23 gool waxaana loo diwaan galiyay inuu caawiyay 32 gool tartamada oo dhan taas oo keentay in loo magacabo xidiga sanadka ee horyaalka Jarmalka.

Xidiga khadka dhexe ee xulka Armenia ayaa 19 gool u dhaliyay xulkiisa isagoo u saftay 59 kulan tan iyo 2007-dii, Henrikh oo ah kabtanka xulkiisa ayaa 5 jeer loo doortay laacibka sanadka ee dalkiisa.