DHAGEYSO: Munaasabadda Ciidul Fidriga oo looga dabaal degayo dalalka Islaamka

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta dalalka Islaamka looga dabaal degayaa Munaasabadda maalinta koowaad ee ciidul fidriga.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkayaa dadyow aad ufara badan kuwaas oo isugu jira Caruur, Ciroole.

Dadka Islaamka ayaa isugu hambalyeynaya Munaasabada maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, kuwaas oo aad ugu faraxsan in si mideysan looga dabaaldego guud ahaan dalka.

Qaar ka mid ah shacabka maanta udabaadegaya Munaasabada maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ee ku nool magaalada Muqdisho oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.