Dhalinyaro Soomaali-Mareykan ah oo ku dhintey haro ku taala Mareykanka

Mareykan-RisaalaFM- Macluumaad horleh ayaa kasoo baxaysaa dhallinyaro Soomaali-Mareykan oo ku dhintay harada Willmar Foot Lake ee dalka Maraykanka.

Maydadka labadan wiil ayaa la helay kadib muddo afar saacadood ah oo la baadigoobayay kadib markii ay waalidiinta caruurtan ay wargeliyeen ciidamada in ay la’ yihiin wiilashooda.

Wiilashan ayaa magacyadooda lagu sheegay Idris Xuseen oo toban sano jir ah iyo Axmed Xaashi oo 11 jir ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in carruurtan ay ka mid ahaayeen ardayda wax ka barata dugsiga hoose ee Willmar sida uu xaqiijiyay maamulka dugsigaas Kristin Dresler.

Dad badan oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa ku nool dalka dibadiisa waxaana mararka qaar ay la kulmaan dhibaatooyin soo wajaha caruurtooda.