Kooxda tababare Carlo Ancelotti ee Bayern Munich ayaa kulan culus ku bilaaban doonta ololaha horyaalka Jarmalka xili ciyaareedkan kadib markii maanta la shaaciyay jadwalka horyaalka Bundesliga ee xili ciyaareedka soo aadan 2016/17.
Bayern Munich ayaa kulanka furitaanka horyaalka Jarmalka ku bilaaban doonta kooxdda Werder Bremen ciyaar ka dhici doonta garoonka Allianz Arena 26-ka bisha.
Ancelotti ayaa badalay Pep Guardiola oo loo magacaabay macalinka cusub ee Man City ,laakiin Munich ayaa ku qaaday horyaalka 10 dhibcood oo nadiif ah xili ciyaareedkii ugu dambeeyay ee Guardiola.
Kooxda kaaalinta labaad gashay sanadkii lasoo dhaafay ee Borussia Dortmund ayaa kulankeeda koowaad la ciyaari doonta Mainz halka Borussia Monchengladbach ay marti galin doonto Bayer Leverkusen.
Ciyaarta ugu adag ee Bayern waa mida ay wajihi doonto Borussia Dortmund kulamda 11 aad ee horyaalka ciyaar ka dhici doonta Signal Iduna Park 18-ka November.
Isku aadka asbuuca koowaad ee Bundesliga
Bayern Munich v Werder Bremen
Borussia Dortmund v Mainz
Borussia Monchengladbach v Bayer Leverkusen
Hertha Berlin v Freiburg
Cologne v Darmstadt
Hamburg v Ingolstadt
Augsburg v Wolfsburg
Hoffenheim v RB Leipzig
Eintracht Frankfurt v Schalke


