Maxaa kusoo kordhay xaaladda Magaalada Boosaaso?

Waxaa weli aanan dhinacna u dhicin xaaladdii iyo xiisaddii dagaal ee ka taagnayd magaalada Boosaaso kadib xil ka qaadistii la diiday ee madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay taliya ciidamada PSF.

Wararka ka imaanaya magaalada waxa ay sheegayaan in weli magaalada ay kusii gurmayaan ciidamada Puntland qeybahooda kala duwan, halka ciidamada PSF-ta ay ku egyihiin xeradooda oo inta laga fahamsanyahay ay difaacyo ka dhex samaysteen.

Xalay waxaa lasoo wariyay in ciidamada Puntland ay difaacyo ka galeen waddooyin aad ugu dhow xerada PSF-ta, balse markii dambe ciidanka laga qaaday meeshaasi.

Magaalada Boosaaso waxa ay ka koobantahay afar xaafadood oo waaweyn, balse mid oo keliya ayuu culeeska u badanyahay, taasina waa xaafadda Ridhwaan ee ku taala dhanka Bari ee magaalada.

Xaafaddan waxaa ku yaala Goobaha ugu muhiimsan magaalada, kuwaas oo hadda sida muuqata isu badeley dhufeysyo ay xilli kasta suurtogal tahay in ay noqdaan furumo ay ciidamo ku hardamaan.