Weerar lagu qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka kKudhaa ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Xaaladda degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan ah mid degan, isla markaana isku socodka ganacsiga Gaadiidka ay si caadi ah Maanta u Shaqeeynayaan.