Taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed oo ka qeyb galay Kulan todobaadkiiba ay isugu yimaadaan taliyaasha ciidamada soomaaliya ayaa wuxuu dardaaran ujeediyey ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan saraakiisha.
sidoo kale waxaa uu sheegay in aan la aqabaleynin sarkaal ay darajooyin garbaha u saaranyihiin kaasi oo aan daacadnimo u gudann howlihiisa loo idmaday.
Wuxuu tilmaamay taliyaha in sarkaal kasta howshii loo idmaday in lagula xisaabtami doono natiijadii uu ka keeno uu qaadan doono.
Ciidamada ayaa waxa ay ku jiraan dadaalkii ugu xoogganaa oo ay dib ay uga soo celinayaan Al-shabaab deegaanno ay maamulaan iyadoo inta badan hada Al-shabaab laga saaray gobolada dalka waxaana ay ku harsanyihiin gobollo fara ku tiris ah iyadoona qaarkood degmooyin ay ka joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.


