Dibadbaxyo ayaa ka billowday gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka kaddib markii ay boolisku toogteen nin madow ah, kaasoo ay rasaas badan la dhaceen xilli ay sheegeen inay ka fal celinayeen dhacdo la xidhiidhta qoys.
Ninka la toogtay, oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, ayaa isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato ku jira isbitaalka.
Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa Mr Blake oo dhabarka laga tooganayo isagoo isku dayaya inuu galo gaadhi. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Kenosha.
Mas’uuliyiinta Kenosha ayaa ku dhawaaqay bandow deg deg ah oo magaalada la saaray xilliga habeenkii ah, maadaama uu qalalaase xoog leh ka dhashay toogashadaas.
Boqollaal qof ayaa habeenimadii ay Axadda sii baxeysay isugu tagay saldhigga booliska. Gawaadhi badan ayaa dab la qabadsiiyay, mudaharaadeyaashana waxay ku dhawaaqayeen “Dib uma dabi doonno”.
Digniin ay booliska soo saareen ayaa loogu baaqay dadka ganacsiyada 24-ka saac heysta inay xidhaan, maadaama ay jirto cabsi xoog leh oo ku aaddan in bililiqo la sameeyo. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in kooxo budhcad ah ay rasaas ku fureen meelaha qaarkood.
Ciidamada amniga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqollaal ruux oo mudaharaadayay, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku gacan seydhay amarka bandowga.
BBC SOMALI



