AMISOM oo Taliye cusub loo magacaabay

Jabuuti-RisaalaFM- Wakaalada wararka ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ururka Midowga Afrika Taliye cusub u soo magacaabay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka jooga Soomaaliya.

Taliyaha cusub  oo lagu magacaabo Generaal Cusmaan Nuur  Subagle, waxa uu u dhashay dalka Jabuuti, wuxuuna sida ay Wakaaladu sheegtay la wareegi doonaa hogaanka  22 kun Ciidan  kala duwan ee howlgalka AMISOM Soomaaliya ka jooga  kana kala socoda  dhowr dal oo ka tirsan Midowga Afrika.

Xilkan  Taliyenimada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya loo magacaabay Generaal Cusmaan Nuur ayaa waxaa horey u hayay General Kenyaati laga soo bilaabo dhamaadkii Bishii Dicember 2015-kii.

Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya General Cusmaan Nuur Subagle  ayaa sanadihii 2012-2013-kii  Taliye ugu noqday howgalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.