Ciidanka Dowladda oo Caawa Muqdisho jirdil ugu geystay Wariyeyaal

Ciidamo la sheegay inay ka tirsanaayeen Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caawa waxaa ay Gudaha Xaruntooda jirdil ugu geysteen Wariyeyaal ka tirsan TV-ga ku hadla Afka Soomaaliga ee Somali Cable ee Magaalada Muqdisho.

Barta Facebook ee TV-ga ayaa waxaa lagu daabacay in dhacdadaani ay timid kadib markii ilaalada Telefishinka ay ka shakiyeen dhalinyaro fadhiday ilinka hore ee Xarunta TV-ga taas oo keentay inay isku dhacaan ilaalada iyo Dhalinyarada.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan NISA oo ka tegay Godka Jilacow ay Gudaha Xarunta TV-ga galeen,isla markaana ay jirdil u geysteen Wariye iyo muuqaal duubo ka tirsan Telefishinka.

Xaalada Xarunta TV-ga oo rasaas laga maqlay haatan waa ay degan tahay,waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa xilli Maanta Ururada Saxaafadda Soomaaliya ay sheegeen in caburin iyo cagajugleyn lagu haayo Warbaahinta.