Dowladda oo ka hadashay qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo qaar kamid ah ilaaladiisa,xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Gobolka ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca DFS ayaa cambaareeyay qaraxaas lagu dilay dadka shacabka ahaa & guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur,waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyaha.