Golaha Wasiirada Galmudug oo la ansixiyay

Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug iyo 78 Xildhibaan ayaa dhamaantood waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiirada Cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug sida ay u ansixiyee Wasiirada,waxaana uu sheegay in la dardar gelin doono howlaha Maamulka.

Wasiirada Cusub ee Galmudug ee Maanta la ansixiyay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo ay kamid yihiin,Axmed Macalin Fiqi iyo Saabir Nuur Shuuriye.