Beledweyne-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka digay in Musuq Maasuq lagu sameeyo gar gaarka loo fidinayo dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Shabeelle.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in hadaba uu soo gaaray cabasho ku aadan in wax isdaba marsiin lagu sameeyay gar gaarka la siinayo dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne.
Waxa uu digniin udiray Guddiga loo xilsaaray in ay qeybiyaan gar gaarka shacabka Beledweyne la gaarsiiyay.
Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Bani’aadanimada ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku dhibaateysan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dad fara ku tiris ah oo ku haray magaalada Beledweyne ayaa bilaabay in ay Boorsooyinkooda ka qaataan magaalada, kadib markii ay ka quusteen oo ay ka rajo dhigeen Xaalada magaalada, maadaama Wabiga uu weli sii wado fatahaada.
Inta ugu badan Bulshada reer Hiiraan ee magaalada ka barakacay ayaa isugu tagay Deegaanka Ceel Jaale oo ay ka sameysteen Guryo cooshado ka sameysan.


