DHAGEYSO: Dab khasaare geystay oo ka kacay Garoowe

Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe caasimada maamulka Puntland ayaa sheegay in dab xoogan uu ka kacay kaam ku yaala garoowe  uu sababay dhimashada 2 qof.

Kaamka uu dabku kacay ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen 2 wiil oo walaalo ah kuwaa soo da’dooda lagu qiyaasay 13 jir iyo 9 sano jir.

Maamulka magaalada Garoowe ayaa ku gurmad u fidiyey dadka kaamka dabku ku qabsaday.

Gudoomiyaha kaamkaasi oo lagu magacaabo C/nuur Cali Cabdi, ayaa sheegay in dabka uu kacay batarida gawaarida oo yaalay mid kamid ah guryaha kaamka.