Wararka laga helayo degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in weerar culus oo qarx ku bilaawde ay ku qaadeen degmada Qoryooleey,isla markaana intaasi kadib uu bilaawdey dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & Al-Shabaab.
Dadka degmada Qoryooleey qaarkood ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in meelo kamid ah degmadaas ay soo galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay Al-Shabaab ku doonayeen inay ku bur buriyaan Buunadada degmadaas.
Wararka qaar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay ku bur buriyeen qarax xoogan oo ay ku weerareen degmada Qoryooleey,waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in weli rasaas laga maqlayo degmada Qoryooleey.


