Dagaal dhex-maray Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada Uk oo ay degan yihiin Ciidamada Dowladda ay dhawaan geysay degmada Beled-Xaawo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo ku dhow hal saac socdey.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dad ku sugan Beled-Xaawo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in weerarka uu ahaa tira laba jeer,isla markaana taasi ay ku keentay cabsi in dagaalkaas uu khasaaro kasoo gaaro.

Weli lama shaacin khasaaraha ka dhashayd dagaalka dhex-marey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab,waxaana dadka degmada Beled-Xaawo ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhaawac ah balse aysan cadeyn karin inta uu la egyahay.

Ciidamada Dowladda ayaa saakay waxaa la sheegayaa inay duleedka degmada Beled-Xaawo ay ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan,iyaga oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan.