Dhageyso:-Jubbaland oo faah faahisey howlgalkii Galbeed Kismaayo

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano Galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Laamaha Amniga Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas laga fuliyey deegaanka Baarxaani gaar ahaan aaga Labi-kuus,isl markaana lagu diley xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid la qorsheeyey,isla markaana Ciidamada ay dileen sarkaalkii u qaabilsanaa Al-Shabaab aaga Labi-kuus,sidoo kalena ay kasoo furteen Qori Ak-47 iyo saanad kale oo ciidan.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in howlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeynayay inay weeraro fuliyaan.