Muxuu Cavani u diidey United & Chelsea ?

Wakiilka iyo walaalka weeraryahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga uu aad u jeclaa inuu ku biiro kooxda Atletico Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Cavani ayaa gudbiyay codsi bixtaan ah intii lagu jiray bishii la soo dhaafay xilli uu isku dayay inuu ku qasbo  kooxda heysata horyaalka Faransiiska inuu baxo kahor waqtiga qaboobaha.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa ugu dambeyntii sii joogay Paris, inkastoo Manchester United iyo Chelsea ay sidoo kale xiiso u qabeen weeraryahanka qibrada leh.

Sida laga soo xigtay Walter Guglielmone, 32 jirkaan wuxuu fursad u helay inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha Premier League laakiin ma uusan xiiseyneynin inkastoo ay soo bandhigeen qorshe dhaqaale oo ka fiican kan Atletico.

“Cavani wuxuu diyaar u ahaa inuu helo wax ka yar dhaqaalaha PSG,” The Sun ayaa kasoo xigatay Guglielmone. “Atletico ma aysan bixin karin qarashka dhaqaale ee ciyaaryahanka, PSG ma aysan dooneynin inay hoos u dhigto lacagta Atletico Madrid ayaaa ku guuldareysatay heshiiska.

Ma uusan helin riyadiisa ah inuu aado Atletico Madrid laakiin England, Manchester ama Chelsea ayaa xiiso u qabay. ”

Cavani, oo loo maleynayo inuu kasbado in kabadan £ 360,000 isbuucii marka loo eego sida uu dhigayo qandaraaskiisa haatan, ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda PSG isagoo dhaliyay 198 gool 294 kulan oo tartamada oo dhan ah.