Madaxweynaha cusub ee Dowald goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooq qoor ee maanta lagu doortey Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu wada-hadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta.
Waxa uu u mahad celiyey dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug sigaar ah hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca oo uu sheegay in heerkaan ay soo gaarsiiyeen in la dhiso Galmudug.
Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in uu ka Shaqeyn doono midnimada iyo horumarka Galmudug,isla markaana uu horseedi doono dib u heshiisiin Bulsho iyo mid siyaasadeed oo gaarta gri walba.
“Cid walba oo tabasho qabta gurigeeda ayaan ugu tagayaa si aan u qanciyo,bulshada Galmudugna waan isku keenayaa,waxaana ugu baaqayaa in wixii tabasho ah ee dhexdeena ka jirta in wada-hadal iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo ayuu yiri”Axmed Qor Qoor.



