Midowga Yurub oo ka walaacsan dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada 2016

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in faham waaga ka dhex ka jira hanaanka doorashada 2016 ee sanadkaan lagu wado in ay ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay si aad uga xun yihiin in aan wali go’aan rasmiya laga gaarin hanaanka doorashada 2016.

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu taageeray dowladda Soomaaliya,balse ay hada ka xunyihiin is-mari-waaga cusub ee ku aadan hanaanka doorashada iyo sidoo kale inaan weli lagu heshiis qodobo cad oo qeexaaya hanaanka doorashada.

Midowga Yurub ayaa sheegay dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya in ay tahay siyaasada Soomaaliya oo dib loo celiyo iyo sidoo kale dalka oo ku jira kobac dhaqaale in uu hoos u dhac ku imaan doono.

Bayaanka Midowga Yurub ayaa lagu adkeeyey in ay muhiim tahay in doorasho ay  ka dhacdo Soomaaliya,islamrkaana madaxda dowladda Soomaaliya aysan sameyn wax muddo kordhin ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay  in doorashada ay dhicidoonto waqtigii loogu talagay ,islamarkaan dowladda Soomaaliya aysan sameyn doonin wax waqti kordhin ah.