Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay xalay la kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dowlad goboleedka Galmudug gaar ahaan odayaasha dhaqanka.
Kulankooda ayaa waxaa ay Guddiga ka dhageystay odayaasha Dhaqanka talooyinkooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay wadaan diyaarintiisa.
Guddiga ayaaa MaalmahaansSocdaal wadatashi ah ku marayay dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay u dhageystaan talooyinka la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka,waxaana la filayaa inay la kulmaan Madaxda Galmudug.




