Chelsea ayaa dooneysa iney gaarto guul muhiim ah kulanka galabta ay la ballansan tahay Newcastle, waxey isha ku heysaa guushii shanaad oo xiriir ah dhamaan tartamada oo dhan si ay kooxda u noqoto mid la qabsata guulaha xiriirka ah.
Frank Lampard wuxuu sugayaa guushiisii labaad uu kulamada Premier League ku gaaro Stamford Bridge, waxeyna kooxdiisa haatan aruursatay 14-dhibcood kadib 8-kulan oo ay ciyaareen, guul ay galabta gaaraan waxey ka saacidi kartaa inuu booska labaad si kumeel gaar ah u fariisto waa hadii aysan natiijo saddex dhibcood ah helin Foxes.
Steve Bruce wuxuu kulankii ugu dambeeyay gurigiisa guul uga gaaray Man United, Longstaff ayaana dhaliyay goolka qura ee kooxda Ole Gunnar lagu dilay, sidaas darteed kooxdaan waxey kasoo baxday boosaska loogu laabto heerka labaad, mana dooneyso iney mar kale ku laabato, sidaas darteed waxey u baahan tahay guul ay gaarto galabta.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Chelsea vs Newcastle United
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)
Garsoore: Andre Marriner (England)
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Fasalkaan dhaawacyadiisa waxey noqdeen kuwa badan, N’Golo Kante ayaan rajo laga qabin inuu kasoo muuqdo kulanka sabtida, Matteo Kovacic ayey waxyeelo kasoo gaartay kulamadii uu qarankiisa u ciyaarayay, taasina waxey ka dhigan tahay in Barkley uu khadka dhexe lamaan kula noqon doono Jorginho.
Zouma ayaa la filayaa inuu la ciyaaro Tomori, walow lasoo sheegayo in Rudiger laga yaabo kursiga keydka inuu soo fariisto maadaama uu kusii dhawaanayo inuu garoomada kusoo laabto.
Hudson-Odoi waxey u badan tahay in la nasin doono, halka Pedro ay macquul tahay i lagu soo bilaabo.
Isaac Hayden ayaa maraya ganaaxiisa saddexda kulan, waana ciyaartii labaad uu seegayo maadaama uu casaan toos ah qaatay kulankii Leicester City.
SAFKA MACQUULKA AH:
Chelsea:
Arrizabalaga; Azpilicueta, Zouma, Tomori, Alonso; Jorginho, Barkley; Willian, Mount, Pedro; Abraham.
Newcastle United:
Dubravka; Yedlin, Schar, Lascelles, Clark, Willems; Almiron, S.Longstaff, M.Longstaff, Saint-Maximin; Joelinton.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulanka maanta waa midkii 165-aad oo ay labadaan kooxood tartan rasmi ah isaga hor yimaadaan, Chelsea ayaana gaartay 72-guulood halka Magpies-ka ay gaareen 53-guul.



