Dood ka dhalatay Wafdi ka socda Somaliland oo sheegay in ay ku wajahan yihiin Kismaayo

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland ayaa sheegay in Wafdi ka socda Somaliland ay qaybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha maamul gobaleedka Jubaland Axmed Madoobe oo bishan sagaalkeeda lagu caleema saarayo magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Kismaayo tagaya ay isugu jiraan Siyaasiyiin hore iyo Mas’uuliyiin xilal ka heysa hadda maamulka Somaliland.

“Xubno ay ka mid yihiin laba xildhiban oo galaha guurtida ah iyo xildhibaan ka mid ah golaha wakiilada oo anigu aan ka mid ahay inaan safar ugu bixi doono si aanu uga qaybgalno  caleema saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo ka dhacaysa 9 bishan, tani waxay ka danbaysay markii Axmed Madoobe uu si layaab leh uga soo baxay doorashadii layaabka lahayd ee ka dhacday Kismaayo ee dawlada Somaliya ee aynu jaarka nahay ay carqaladayso dastuurkeeda”

Xildhibaanka ayaa intaa kusii daray hadalkiisa “gaasinimadii uu sameeyay iyo dadkiisa oo doortay waxaan ku hanbalyeeyay oo aan ka codsaday inuu igu casuumo caleemasaarkiisa tii ayaa rumowday oo waxa nalagu casuumay caleemasaarkaasaa, waxaanu ku tagaynaa ilaa lix xubnood  oo ay ka mid yihiin wasiiro hore iyo dad ku jira xisbiyada mucaaradka ah, anaga ayaa is abaabulanay oo go’aankaas gaadhnay xukuumaduna wax shaqo ah nagumay lahayn.” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dood ayaa ka dhalatay hadalka xildhibaanka waxaana si weyn arintaasi kaga soo horjeestay Siyaasiyiinta Somaliland iyo Xukuumadda Muuse Biixi oo codsaday in la joojiyo Safarka Kismaayo.

Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Wafdiga Somaliland ka socda ee Kismaayo ku wajahan ayaa ka socda Hargeysa, waxaana sheegeen in Maqaam dowlad ahaaneyd loo casuumi doono.