Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, kaasi oo bulshada magaalada Boosaaso lagu amray in haddii ay shirar qabsanayaan ay sii ogaysiiyan maamulka gobolka, si dowladdu u xaqiijiso amniga shacabka.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa looga dalbaday Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, in ay ka laabtaan go’aankooda, waxaana xafiiska oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland uu in go’aankaasi ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xarriyadda iyo xuquuqda shacabka.




