
Ole Gunnar Solskjaer ayaa eegi doona inuu xoojiyo weerarka kooxda Manchester United bisha Janaayo ka dib markii uu qirtay inaysan jirin bedel macquul ah oo xagaagaan u adeegsadaan booska Romelu Lukaku ama Alexis Sanchez.
Majalada Daily Telegraph ayaa soo warineysa in muhiimadda xigta ee Manchester United dooneyso tahay inuu noqdo weeraryahan “awood iyo hal abuur leh”.
Wargayska ayaa sheegaya in Ole Gunnar Solskjaer uu ku rajo weyn yahay in laga bilaabo bisha Janaayo uu raadiyo saxiixa ciyaaryahankaas.
Garabka Borussia Dortmund iyo xulka England Jadon Sancho, 19, ninka katirsan Leicester City James Maddison, oo 22, iyo weeraryahanka Lyon Moussa Dembele, 23, ayaa laga yaabaa inay Red Devils ka qaadato suuqa kala iibsiga.
Ku dhawaad 140 milyan oo ginni ayaa lagu qarash gareeyay inta lagu gudajiray suuqa kala iibsigii ugu dambeyay kooxda oo lasoo wareegtay daafacyada Harry Maguire iyo Aaron Wan-Bissaka iyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Daniel garabka.
Si kastaba ha ahaatee, Lukaku waxaa laga iibiyay Inter Milan halka Sanchez loo ogolaaday inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda ka dhisan horyaalka Serie A, iyadoo United ay awoodi weyday inay keenaan weeraryahan cusub.
Go’aanka United ee ah inay u oggolaatay laba gooldhaliye ayaa yimid xili ay xaalad wanaagsan kujireen Anthony Martial iyo Marcus Rashford, oo labaduba kasoo muuqan doonin kulanka Arsenal ee caawa.
Tan iyo markii ay 4-0 kaga badiyeen Chelsea isbuucii ugu horeeyay xilli ciyaareedka, United ayaa dhalisay kaliya afar gool shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
Solskjaer wuxuu qirtay halgankooda ay ku donayaan weeraryahanka shabaqa soo taaban kara inuu yahay mid sarrre.
“Waxaan ubaahanahay inaan goolal badan dhalino, xaqiiqdii. Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u wanaajin laheyn cilaaqaadka, qaabka iyo fahamka kooxda.
Waxaan ku bilownay hal dhinac aasaaska, waxaan u maleynayaa inaan si xoog leh u difaacnay laakiin kuma faraxsani qaabka weerarka kooxdu yahay..
United ayaa guuleysatay kaliya labo ka mid ah lixdii kulan ee furitaanka horyaalka, waxayna durba 13 dhibcood ka dambeysaa hogaamiyaasha Liverpool, inkastoo kulan baaqi ah heystaan
Mar la weydiiyay inuu weli u arko United inay afarta koox ee ugu sareysa ku dhameysan karto, Solskjaer ayaa ku jawaabay: “Waxaan qabaa inay taas dhici doonto.
“Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay(Manchester City iyo Liverpool) aad ayey uga horeeyeen kooxaha kale. Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan joogno heerka kooxaha kale ee dagaalka nagula jiro.
“Chelsea waxa ay soo martay xilli la mid ah keena oo dib u dhis ah; Arsenal Tottenham, anaga. Waxaad aragtayy Leicester, waxaa jira kooxo badan oo doonaya boosaska sare waana meesha aan joogi doonno ilaa dhamaaadka. ”ayuu yiri Ole.
United bilowgeedii ugu xumaaa ayay kujirtaa xilli ciyaareedkaan, waxay taaas keentay in shaki la galiyo mustaqbalka Solskjaer, laakiin Noorweyankaan ayaa yiri: “Waxaad qiimeyneysaa ciyaar kasta ,laakiin aniga shaki igagama jiro inaan guuleysan doono.
“Haddii aan naftayda ka shakiyo markaas waxaan u malaynayaa in adduunka intiisa kale iyana sidaas oo kale iga shaki doonaan.
weeraryahankii hore ee Utd auaa sheegay in Sir Alex Ferguson, uu yahay shai uu xiriir toos ah la leeyahay, laakiin wuxuu intaas ku daray waxaan heystaa shaqaale fiican, dib uguma soo celin doono Sir Alex halkaan.
Dabcan waan lahadlayaa Sir Alex laakiin waa inyar kadib marka aan lahadlo isaga waxaan qaadnaa talooyinka ugu muhiimsan ee uu noosoo jeediyo.


