Wijnaldum wuxuu aaminsan yahay in afar ka mid ah asxaabtiisa kooxda Liverpool ay u qalmeen in lagu daro liiska kooxda FIFA FIFPro, madaama ay qaateen sanad wanaagsan.
Kooxdu waxay kor u qaaday dhowr awodeeda waxaana ay smaeysay wax badan oo la yaab leh.
Laakiin liiska FIFA FIFPro waxaa kujiray magacyo aan la aamini Karin oo aan heysan qaab ciyaareed sare xili ciyaareedkii hore sida Marcelo iyo Sergio Ramos, oo ah laba xaalad xun ay kujirtay kooxdooda.
Real Madrid ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee La Liga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana wareega 16ka Champions League ku reebtay kooxda Ajax.
Wijnaldum wuxuu dareensanyahay inuu si gaar ah ay tahay wax looga caroodo in Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold laga reebo liiska.
“Feker ahaanteyda Robbo iyo Trent waxay aheyd inay liiska kujiraan,” ayuu Wijnaldum u sheegay The Athletic.
Ciyaartoyda kala duwan fikirkooda ayey leeyihiin. Waxaan u malaynayaa qaar inay u badan tahay inay qoraan waxa ay u tixgeliyaan inay ku arkaan shaxda FIFA
Ninka reer Dutch ayaa dhaleeceeyey qaabka codeynta, isagoo sheegay in cadeyn la’aanta ay noqon karto sababta keentay in xiddigo badan oo Liverpool ah ay seegaan liiskaan.
Tusaale ahaan, Ronaldo iyo Messi waligood wey joogi doonaan halkaan xitaa hadii aysan xilli ciyaareed fiican helin. Waxaa laga yaabaa inaysan u badneyn wax laga bedelo.
Aniga ahaan, Robbo iyo Trent waa hubaal inay halkaas joogi lahaayeen. Waxaan u maleynayaa Sadio iyo Mo inay sidoo kale joogi lahaayeen haddii qiimeyn sax ah ay jiri laheyd
Liverpool ayaa ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore iyadoo hal dhibic ka dambeysay Manchester City oo ku guuleysatay Premier League.
Samuel Eto ayaa aamisan in Salah iyo Mane ay u qalmeen abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka FIFA.
Weeraryahankii hore ee Barcelona iyo Chelsea oo qoslayay intii lagu jiray wareysi uu bixyay ka dib xifaladii Fiffa.
Wuxuu yiri: “Midka ugu fiican aniga ahaan waa Mohamed Salah iyo Sadio Mane, laakiin halkaan ma ahan.”



