Israel oo Amar kusoo rogtay Ilhaan iyo Rashida

“Go’aanka waa la gaaray, go’aanka waa inaan loo ogolaan inay halkan yimaadaan” ayuu Hotovely u sheegay Radio-ga Reshet ee Israel.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, arbacadii, ka hor inta aan maanta lagu dhowaaqin.

Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeedda Falastiin ayaa waxaa laga soo doortaa gobolka Michigan, halka Ihaan Cumar oo Soomaaliya kasoo jeedda laga soo doorto Minnesota.

Labada xildhibaan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israel.

Madaxweyne Trump ayaa maanta bartiisa twitter-ka kusoo qoray “Waxay muujin doonta dafiicnimo weyn” haddii Israel ay labadan u ogolaato booqashada.

Trump waxa uu intaas ku daray “Waxay neceb yihiin Israel iyo dhammaan dadka Yahuudda ah, mana jirto wax la oran karo ama la sameyn karo si maskaxdooda loo beddelo.”