Maamulka Jubbaland ayaa xilligaan bilaabay in uu qaado tallaabo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shalay uu ku dhawaaqay inay joojiyeen wadashaqeyntii Dowladda Federaalka sidoo kalena heegan la geliyay Ciidamada Maamulkaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta Jubbaland Eng, Cabdi Xuseen oo ka warbixinayay kulan ay yeesheen Golaha Wsiirada Maamulkaas ayaa sheegay in heegan la geliyay dhamaan Ciidamada kala duwna ee dowlad Goboleedka Jubbaland meel kasta oo ay joogaan si ay uga hortagaan falal uu sheegay inay maleegayaan cadawga Jubbaland.
Waxa uu sheegay in siweyn loo adkeeyay Amniga deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland,isla markaana Ciidamada meel walba ay joogaan ay yihiin kuwo u diyaarsan inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah dhinaca Amniga inta ay doorashooyinka socdaan,sidoo kalena mas’uuliyiinta dowladda Federaalka aysan imaan Karin deegaannada Jubbaland.
Dhowrkii bilood ee ugu dambeeysay ayaa waxaa aad u xumaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo la filayo in dhamaadka Bisha soo socota ee Agoosto ay ka dhacdo doorashada hoggaanka Maamulkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta Jubbaland .



