DHAGEYSO: Puntland oo isugu yeertay saraakiisheeda amniga

Magaalada Boosaaso ayaa shalay waxaa ka dhacay shaqaaqo taasoo udhaxeysay ciidamo ay kala hogaaminayeen Taliyaha ciidanka boliiska iyo Taliyaha ciidanka Birmadka, Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu xarunta madaxtooyada kulamo kula qaadanayaa saraakiisha amniga maamulka Puntland, waxaana uu kala hadlayaa sidii amaanka Puntland loo xoojin lahaa.

C/raxmaan Cabdi Maxamed oo Boosaaso ku sugan ayaan arimahaasi ka wareysanay.