Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhiira galin weyn usameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo la sheegay in AMISOM la’aan ay degmada Runirgoood Al-shabaabka ka saareen.
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay ciidamada dowladda, waxaana uu sheegay in marwalba ciidamada ay yihiin geesiyaal wadoonkooda doonaya in ay difaacaan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab ayaa dhowaan waxa ay ku dagaalameen degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hada degmadaasi gacanta ku haya ciidamada dowladda.
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka wadaan howlgal Al-shabaab looga saarayo gobolka.
C/kariin Aalos oo ah Agaasimaha warbaahinta Shabeellaha Dhexe ayaan caawa arimahaasi wax ka weydiinay.


