Gabar Soomaaliyeed oo isku gubtay Jaziiradda Nauru

Wararka ka imaanaya Jaziiradda Nauru ee ku taalla bartamaha Badweynta Pacific-ga ayaa sheegaya in gabar Soomaaliyeed ay is gubtay.

Waxaa gabadha isgubtay magaceeda lagu sheegay Hodan Axmed Barre, waxaana ay jirtay 19 sano.

Gabadha ayaa markii ay waxyeelada soo gaartay waxaa loola cararay isbitaal ka mid ah kuwa ku yaalla Australia, iyadoo ay ka mid aheyd dad magan-galiyo doon ah oo dawladda Australia ay ku hayso jaziiraddaas, kadib markii ay doonyo sharci darro ah ku galeen Australia.

Dad fara badan oo ay Soomaali ku jiraan ayaa waxa ay ku nool yihiin Jaziiradda Nauru, waxaana ay ka cabanayaan caafimaad daro iyo sidoo kale dhibaatooyin kale oo fara badan.

Waxaana ay baaq udireen hey’adaha gar gaarka iyo dowladda Australia si looga saaro Jaziiradda hada ay ku nool yihiin.

Waxaa sidoo kale dhowaan nin u dhashay dalka Iran isna uu isku gubay jaziiraddaas, isaga oo markii dambe geeriyooday.