Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen dad haween u badan uu howlo Nadaafadeed ka waday deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Inta la xaqiijiyey 9 Ruux oo isugu jira 6 Haween ah iyo Saddex rag ah ayaa weerarkaas ku geeriyooday,sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 9 Ruux ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan Shaqooyinka ay hayeen oo ah howlo nadaafadeed.
Deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa 30-kii Bishii Octoober ee Sanadkii tegay ee 2018 Maalin cad sibareer ah inta gaari laga dejiyay lagu toogtay rag dhalinyaro iyo Odayaal isugu jiray.



