Musharixiinta Puntland oo ka digay faragelin lagu sameeyo doorashada

Qaar kamid ah musharixiinta Madaxtinimada maamulka Puntland oo maanta ku shiray magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa waxa ay ka hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada Puntland.

Musharxiinta ayaa shirkooda markii uu soo idlaaday warbaahinta la wadaagay waxyaabaha ay isla meel dhigeen oo ay isla garteyn, waxaana ay  sheegeen in afar arrimood oo doorashada ku saabsan ay ka wadahadleen.

Waxa ay ku baaqeyn in amniga xiliga doorashada looga dambeeyo taliyihii dhawaan la magacaabay ee amniga xiliga doorashada oo shaqadiisa loo madax baneeyo.

Waxa kale oo ay ka digeen faragelin lagu sameeyo doorashada, iyagoo sheegay in aysan aqbeli doonin in doorashada madaxtinimada maamulkaasi la farageliyo.

Hadalka Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo oo kaliya ay inaga xigaan xiliga loo madalsanyahay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi majaraha u qaban doono la qabto.